Hot Topics

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kusoo laabtay Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa dib ugu soo laabtay caawa magaalada Muqdisho, kaddib markuu dalka Jabuuti uga qeybgalay caleema-saarka Madaxweyne Ismail Omar Guelleh.

Soo laabashada Ra’iisul Wasaare Roble, ayaa imaanaysa xilli Midowga Musharixiinta ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, sidoo kalena uu muujiyo madax bannaani, isla markaana uu bilabo howlaha doorashooyinka ee loo igmaday.

Idilnews