Hot Topics

Puntland oo Ciidammo kala dhex-dhigtay Beelo ku dagaalamay Gobalka Sool

Dowladda Puntland ayaa Ciidammo kala dhex dhigtay Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay deegaanka Sanjabshe ee degmadda Boocame ee Gobalka Sool.

Dagaalkan dhexmaray Maleeshiyo beeleedka ayaa ayaa sababay dhimashada illaa 8 Ruux, iyo dhaawaca tiro kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland Jaamac Deperani, ayaa ugu baaqay beelaha dagaalamay, isagoona sidoo kale fariin u diray Waxgaradka.

“Waxaan Baaq-Nabadeed u diraya beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Sanjabshe ee Boocame. Waxgaradka iyo Cuqaasha ha laga shaqeeyo nabadgelyada, dagaal qof ayaa ku dhinta ee qof kuma dhasho, wadajir uga shaqeeya Nabadda.” Ayuu yiri Af-hayeen Jaamac Deperani.

Idilnews