Hot Topics

XOG: Axmed Madoobe oo deyn ka bixiyay Guddoomiyihii hore ee Gobalka Gedo & Farmaajo

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa ka bixiyay Lacag deyn ah oo lagu yeeshay intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusman Nuur Xaaji Macallimuu.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Macalimuu oo todobaadkii hore ka duulay Muqdisho uu lacag ku yeeshay Hoteelkii ay dajisay Villa Soomaaliya, taas oo dhan 30 kun oo dollar.

NISA ayaa muddo ku xanibtay Cusmaan Macalimuu magaalada Muqdisho, waxaana uu dhowaan u amba-baxay Gobalka Gedo kaddib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu dartiis xilka uga qaaday Agaasimihii Shaqaalaha ee Hay’adda NISA ahaana gacanyaraha Farmaajo ee Gedo.

Farmaajo ayaa diiday inay ka bixiso deynta ay galisay Guddoomiye Macalimuu, oo uu ka qaaday xilka, balse Axmed Madoobe ayaa bixiyay, waxaana taas ay keentay in dad badan ay gadaal uga gurtaan safka Farmaajo ee Gobalka Gedo.

Idilnews