Hot Topics

Cabdiqani Geelle Maxamed oo loo doortay Senator kamid ah Aqalka Sare

Cabdiqani Geelle Maxamed, ayaa loo doortay Senator kamid ah Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib doorasho ka dhacday xarunta Golaha Wakiillada Puntland.

Cabdiqani Geelle ayaa helay 52 cod, halka musharaxa la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf uu helay 12 cod.

Senator Cabdiqani Geelle Maxamed, ayaa ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Idilnews