Hot Topics

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wakiillada Beesha Caalamka oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya qaar ka mid safiirada Beesha Caalamka.

Safiirada & Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo kaalintooda ku aaddan taageeradaada dhaqaale ee Beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble aya uga mahad celiyay Wakiilada Beesha Caalamka taageerada ay siiyan Soomaaliya iyo dadaalkooda ku aadan dib u dhiska Soomaliya.

Ra’iisul Wasaare rooble ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la filayaa in uu halkaasi ka sii wado kulada kala duwan, isla markaana uu dib ugu soo laabto Muqdisho.

Idilnews