Hot Topics

Ciidanka Puntland oo howlgallo ka wada buuraleyda Gobalka Bari

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ka wada buuraleyda Calmiskaad ee Gobalka Bari.

Howlgaladan ayaa si gaar ah uga socda agagaarka degmadda Balli-dhidin iyo deegaanada hoostaga, waxaana ay dabada socdaan weerar kooxda Daacish ay dhowaan ku qaaday Balli-dhidin, kaas oo lagu khaarajiyay Guddoomiyihii degmadda.

Wararka ayaa sheegaya in howlgaladan lagu burburiyay saldhigyo cusub oo kooxda Daacish ka sameysatay dhulka buuraleyda, sidoo kalena la gaarsiiyay khasaare.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hada kasoo baxay Hay’adaha Amniga Puntland, kaas oo ku saabsan howlgalada maalmahan ka soconaya buuraleyda Gobalka Bari.

Idilnews