Hot Topics

Mudug: Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig Ciidan

Wararka laga helayo Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka Waaberigii ay Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ku leeyihiin degaanka Cammaara.

Dadka degaanka ayaa ku waramay in dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay degaanka Camaara , kaas oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac iyo Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21 ayaa sheegay inay qasaaro xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaabkii kusoo duulay magaalada camaara ayna soo bandhigi doonaan.

Dhinaca Al-Shabaab ayaa warar ay ku qireen Baraha ay ku leegihiin Inteenetka waxaa ay ku sheegteen inay la wareegeen degaanka Ammaara, sidoo kale dagaalkii dhacay ay ku qabsadeen Gaadiid dagaal.

Degaanka Cammaara ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu kamid yahay Goobaha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay dhawaan kula wareegeen howlgallo ay ka sameeyeen Gobolka Mudug.

Idilnews