Hot Topics

Ciidamo Puntland oo gaaray deegaanada Galmudug ee dagaalku ka socdo

Wararka ka imaanaya Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Ciidammo ka socda Puntland ay gaareen deegaano katirsan koonfurta Gobalkaas oo dhowaanahan ay ka dhacayeen dagaal u dhexeeya Ciidammada Galmudug oo garab ka helaya Ciidanka DFS iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ciidammada oo isugu jira ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF Puntland iyo Daraawiishta, una hubeysan si weyn ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka gudbay Koonfurta Gaalkacyo, iyagoo gaari doona deegaanada Camaara, Bacaadweyne iyo deegaano kale oo katirsan Galmudug.

Puntland iyo Galmudug ayaa bilo kahor ku heshiiyay inay iska kaashadaan la-dagaalanka Argagixisada, iyadoona Puntland ay balanqaaday inay Ciidammo u dirayso deegaanada Al-Shabaab heysato ee Galmudug, si ay uga caawiyaan Ciidanka Galmudug xoreynta dhulkaas.

Idilnews