Hot Topics

Wasiir Dhabancad “Puntland waxay aqoonsan tahay 597 Nabaddoon, iyagana soo xulin Ergada”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa shaacisay in Nabaddoonada u diiwaangashan Wasaaradda ay yihiin cidda soo xulaysa ergada dooranaysa xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siinaya Radio Daljir ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay aqoonsi siisay 597 Nabaddoon oo kamid ah waxgaradka Puntland, ayna iyagu soo xuli doonaan ergada dooranaysa xildhibaanada Golaha Shacabka.

Hadalka Wasiir Dhabancad ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaanahan ay jireen doodo badan oo ka dhashay sida loo soo xulayo ergada dooranaysa xildhibaanada Golaha Shacabka, kaddib war-murtiyeedkii kasoo baxay Golaha Wada-tashiga Qaran.

Idilnews