Hot Topics

Mareykanka oo cunaqabateyn saaray Itoobiya iyo Eritrea

Dowlada mareykanka ayaa si rasmiya ugu dhawaaqday inah cunaqabateyn hubka ah kusoo rogtay Ethiopia & Eritrea laga bilaabo axadii. taas oo u muuqata in la dadajinayo cunaqabateynaha kala duwan ee la saarayo Ethiopia & Eritrea.

Kaliyana maaha Shirkadaha maraykanka ee wadan kasta oo maraykanka iskaashi military la leh ayeey mamnuuc katahay inuu hub ama technology hub ka iibiyo ama ugu deeqo Ethiopia & Eritrea.

Waxaa la sheegaya in ujeedka ugu weyn yahay Turkey oo katirsan NATO ayna iskaashi Ciidan & qalab leeyihiin maraykanka in la rabo in lagu xakameeyo si aysan Drones ugu gaynin dowlada Ethiopia.

Dhanka kale erayga bariga Africa u qaabilsan maraykanka aya maanta magaalada Ankara kula kulmay wasiir kuxigeenka arimaha Turkey, inkasta oon la faahfaahin waxay kawada hadleen, hadana wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa sheegtay inay ka wada hadleen xasiloonida bariga Africa.

Idilnews