Hot Topics

Booliska Puntland oo diyaariyay qorshe lagu sugayo Amniga doorashada BJFS

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, ayaa kulan kula qaatay magaaladda Garoowe xubnaha Guddiga maamulka doorashooyinka BJFS ee heer Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay sugida Amniga Doorashooyinka Golaha Shacabka BJFS ee ka dhacaysa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, Taliye Cabdi-yare ayaana la wadaagay Guddiga Doorashooyinka sida ay Ciidanka Booliska Puntland ugu diyaar-garoobeen xaqiijinta Amniga goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashadu.

Gen. Cabdi Xasan Xuseen ayaa sheegay in Booliska Puntland ay si dhow ula shaqeynayaan Guddiga Maamulka Doorashooyinka heer Puntland inta lagu gudajiro Doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS. sidoo kale Guddiga ayaa uga mahadceliyay Taliska Booliska Puntland sida xilkasnimada leh ee ay mas’uuliyadda isaga saareen sugida Amniga Doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Idilnews