Hot Topics

Doorashada kuraas kamid ah Aqalka sare ee gobollada Waqooyi oo maanta dhacaysa

Waxaa lagu wadaa inay maanta ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho doorashada qaar kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi.

Musharixiinta Aqalka Sare ayaa talaadadii jeediyay khudbadaha, waxaana goor-dhaw xaroon doona ergada dooranaysa lix kursi oo kamid ah 11 kursi ee gobalada waqooyi, sida ay sheegeen Guddiga Maamulka doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Saddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa aad u adag, waxaana ku tartamaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Soomaaliya.

lixda kursi ee Aqalka Sare ee doorashadoodu maanta dhacayso ayaa Musharixiinta u taagan magacyadooda ay kala yiihn.

1.Cabdi Xaashi Cabdilaahi
2 Siciid Cumar Xuseen

1.Saalax Axmed Jaamac
2. Ibraahin lidle Saleebaan

1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari

2. Prof. Cabdi Ismaacil Samatar.

3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali

1. Cismaan Abokor Dubbe
2. Cabdikariim Maxamed Xasan.

1. Layla Axmed Ismaaciil
2. Maxamed Maxamuud Cabdi.

1. Bilaal Idiris Cabdilaahi
2. Saynab Axmed Boqore.

Ammaanka xerada Afiiyooni oo ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee loo xulsaaray amniga doorashooyinka.

Idilnews