Hot Topics

Akhriso: Magacyada 5 Senator ee maanta lagu doortay Afisyooni

Doorashada 5 kursi oo kamid ah kuraasta 11 ah ee Aqalka Sare ee BJFS ku matala Somaliland ayaa maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Doorashadan oo aheyd mid socotay saacado kooban ayaa qaar kamid ah kuraasta ay noqotay gacan taag, kaddib markii xubnaha qaarkood ay u tanaasuleen musharixiinta la tartami lahaa.

Halkaan hoose ka magacyada 5 Senator ee maanta la doortay.

1- Sen. Axmed Ibraahim Maxamed ( Abwaan Qorane)
2-Sen. Niciimo Xasan Xaaji
3-Sen. Deeqa Xasan Xuseen
4-Sen. Axmed Maxamed Siciid
5-Sen. Siciid Cabdi Xuseen

Doorashadan 5 Senator ayaa dhameystiraysa 11 Senator ee goballada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare ee BJFS, oo 6 kamid ah shalay la doortay.

Idilnews