Hot Topics

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo Ahlu-sunna oo socda

Dagaal u dhexeeya Ciidamada DFS iyo kuwa Ahlu-sunna ayaa ka soconaya deegaanka Bohol oo ku yaalla duleedka magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Dagaalkan oo biloday saacado kahor ayaa yimid, kaddib markii Ciidammada dowladda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlu-sunna, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in isbitaalka magaaladaas lasoo gaarsiiyay meydka iyo dhaawaca askar kamid ah Ciidammada dowladda, iyadoona haatan xaaladu ay kacsan tahay.

Idilnews