Hot Topics

Ahlusunna oo isaga baxday magaalada Guriceel

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya inay isaga baxeen Ciidammada Ahlusunna oo 4 maalmood ee lasoo dhaafay magaaladaas kula dagaalamayay Ciidammada DFS iyo kuwa Galmudug oo isgarabsanaya.

Ciidammada DFS iyo Daraawiishta Galmudug ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada, sidoo kale waxay la wareegeen gaadiid dagaal oo Ahlusunna uga qabsatay Ciidammada dagaal ka dhacay deegaanka Bohol.

Ka bixitaan Ahlusunna ee magaalada Guriceel ayaa timid, kaddib wada-hadalo 12 saac ee lasoo dhaafay ay wadeen ganacsato iyo siyaasiyiin Reer Galmudug ah.

Idilnews