Hot Topics

Maxay kawada hadleen Uhuru iyo Blinken?

Blinken,ayaa saacad iyo bar la hadlayey Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo uu la yeeshay wada-hadallo markii hore la qorsheeyey 10 daqiiqo oo kaliya.

“Tallaabooyin adag waa in loo qaado nabada iyo in dib loo billaabo kaalmada bani’aadaminimo”Ayuu yiri Blinken..

Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri Blinken“Waxaan ku celinayaa baaqeena ku aadan in dhammaan dhinacyada ay si deg deg ah u billaabaan wada-xaajood dhab ah oo ku aadan joojinta colaadaha, shuruud la’aan,”.

“Mareykanku Meesha kama saarayo in uu dilalka ka dhacay Deegaanka Tigray ku qeexo xasuuq”Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Jibril Qoobey.