Hot Topics

Kursigii Jawaari oo la doortay isagoo cabasho ka taal

Maxamed Cali Xassan,ayaa ku guuleystey kursiga Nambarkiisa uu yahay Hop 103 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Maxamed Cali Xassan,ayaa heley Codad dhan 78-halka musharaxii la tartamayey uu heley Codad dhan 18.

Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed, wuxuuna ka mid yahay xubnaha sida aadka ah ugu dhow Lafta Gareen.

Qabashada doorashada kursiga iyo guusha Maxamed Cali,ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan kursigan iyo cabashada Jawaari,taasoo gaartay Guddiga doorashooyinka heer federaal oo shalay ku dhawaaqay in la hakiyey doorashada kursigaas, walow Koonfur Galbeed ay ku gacan sayrtay, ayna qabatay doorashadiisa.