Hot Topics

Farmaajo Dalka iyo Naftiisa in laga badbaadiyo,ayuu ubaahan yahay

Maanta,waxaa loo baahan yahay in si Daaroodnimo ah loo fakaro oo Farmaajo laga badbaadiyo dalka iyo Naftiisa.

Hab dhaqankiisu mahan caadi,waana mid saamayn dhinacyo kala duwan reebaya.

1.Taariikh ahaan,waxuu ka tagayaa mid foolxun oo Daarood oo dhan si gaar ah usaamaynaysa.

2.Amni ahaan,waxa uu ka tagayaa Aano Daarood oo dhan si gaar ah usaamaysa.

3.Han,ahaan,waxuu ka tagayaa mid niyad jab ku noqonaya haldoor walba oo kasoo jeeda Daarood.

Waxaa Somalida kale iyo caalamkuba aqbalayaan in Daarood khatar ku yahay Dowladnimada oo ay tahay in laga ilaaliyo.

Taariikhdii wanaagsanayd ee Beesha Daarood ku lahayd Qaranimada Dalka,ayaa foolxumaanaysa oo aasmaysa.

Dadaalkii Daarood ee ahaa in dib loo yagleelo Qaran Somaliyed oo Fadaraal ah,ayaa fashilmaya.

Fursad,waxaa helaya gooni goosadka Beesha Isaaq ay rabto iyo danaysiga shisheeyaha.

Farmaajo,isagaa markan gacantiisa isku toogtay oo bixiyay fursada lagu soo afjarayo ee miiska saaran.

Caamada Baraha Bulshada ka taageeraysa waxba uma qaban karaan ee xaajadu waxay ubaahatay haldoor maanta Daarood ahaan ukaca oo ugu yaraan ka midoobi kara badbaadinta Dalka,magaca iyo Naftiisa.

Jibril Qoobey.