Hot Topics

Faahfaahin Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii qarax loo adeegsaday gaari noociisu ahaa kuwa raaxda uu ka dhacay meel u dhow Isgoyska Baar-Ubax ee magaalada Muqdiho, sida ay qortay wakaaladda wararka ee SONNA.

Najiib Cabdi Abiib Najiib Carab, taliyaha Ciidanka Booliska saldhigga Dagmada Howlwadaag oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in qofka dhintay uu ahaa wadihii gaarigaas oo la aaminsanyahay inuu is qarxiyay.

Waxa uu sheegay in gaarigan uu xoog ku soo jiiray bar koontorool oo ay ciidanka amnigu ku leeyihiin agagaarka Carwa’idka, kadibna uu is qarxiyay.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan, waloow inta badan qaraxyada nooca ah ay fuliyaaan maleeshiyada Al-shabaab.