Hot Topics

Qaytii labaad Qormadii Dib U Eegista Dastuurka !!

Somaliya waxaa soo maray nidaam Dowlad Dhexe oo awoodu hal Xaafiis ku kooban tahay.

Muqdisho waa magaaladii loogu magacdaray (Magaaladii Dalka),waxayna ahayd meesha kaliya oo wax walba oo Dowlad looga baahdo laga heli karay.

30-sano oo Dowlad Dhexe ah,10-sano oo Dowlad la’aan ah kadib Somaliya waxay qaadatay nidaamka Federaal oo awooda baahinaya hoosna udaadajinaya.

Nidaamkii Fadaraalka,waxaa soo food saaray caqabado la mid ah kuwii ka hor yimid nidaamkii awoodu taalay Halka Xaafiis oo waxaa jidgooyo kale ku noqday Caasimadihii Dowlad Goboleedyada.

Bulshadda Puntland oo hormuud u ah hirgelinta nidaamka Fadaraalka,ayaa la gaaray markii ay dib-u-eegis ku sameyn lahayd nidaamkan.

Si loo xaqiijiyo hamigii awood baahinta Dowladnimo in uu uhirgalay sidii loo baahnaa,waa in dib u eegis lagu sameeyo arimahan hoos ku xusan….

1.In loo siman yahay oo uu yahay mid la wada leeyahay Maamulka.

2.In la hirgeliyo nidaam dhigaya mudo xileedka Madaxweynaha uu shaqadiisa u qaybiyo Saddex magaalo oo la isla gartay ku shaqayntooda 6-dii bilood mid ka mid ah.

3.In la hirgeliyo nidaam Maxkamadda Dastuuriga ah.

4.In awood Madax banaan la siiyo Hanti dhowraha Guud oo magacaabista laga joojiyo.

5.In la dhiso hay’ad madax banaan oo qaabilsan Qandaraasyada.

Fikiraagu waa muhiim si aan u helno nidaam Dowladeed oo wanaagsan oo horumariya Bulshadeena.

Dowladnimada Puntland ha xoogaysato.

Jibril Qoobey.