Hot Topics

Puntland iyo Imaaraadka oo kawada hadlay dib usoi celinta taageeridii Ciidamada Badda Puntland

Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somaliya kulmay.

Kulankooda waxa ugu weyn ee ay kawada hadleen,waxay ahayd sidii Imaaraadku dib ugu fasixi lahaa dhaqaalihii uu ku taageeri jiray Ciidamada Badda ee Puntland.

Wiilka uu Adeerka uyahay Madaxweyne Deni ee ah Agaasimaha Ciidamada Bada,ayaa sii raacay Cumar Cabdirashiid markii uu dib ugu laabanayay maalmo ka hor Dubai.

Cumar arimaha uu deg-dega ugu laabtay,waxaa ugu horeeyay xalinta dhaqaalaha Ciidamada Bada ee ka imaanayay Imaaraadka.

Dowlada Imaaraadka,ayaa si weyn uga xumaatay ka qaybgalka Ciidamada Badda ee dagaalkii aan macnaha ku salaysnay ee Bosaso.

Ciidamada Badda Puntland,waxa ugu weyn loo dhisay laguna taageerayay,waxay ahaayeen la dagaalanka argagixisada,Tahriibta iyo Burcad Badeeda.