Hot Topics

Qarax ka dhacay Bosaso goor dhawayd

Bar Kayntarool oo Ciidamada Amaanka utaalay gudaha Bosaso ayay Qarax la eegteen argagixisadu.

Hal Qof,ayaa ku dhaawacmay oo Qura,mana jiro khasaare kale oo hada soo baxay.

Kadib khalkhalkii amaan ee ku yimid laamaha amaanka,gaar ahaan Ciidamada la dagaalanka argagixisada si weyn ayay isku soo abaabushay argagixisadu.

Todobaadkii hore ay mareen karin Maleeshiyo gaaraysa ilaa 100 oo argagixisada ah.

Sidoo kale,waxaa jira dagaal udhaxeeya Daacish iyo Shabaab oo ka socda Buuraha Todobaadyadii lasoo dhaafay.

Dagaalka,ayaa salkiisu yahay cida ka qaadaysa Ganacsatada Bosaso waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka.

Xogo laga helayo gudaha Bosaso waxay xaqiijinayaan in dib ay ubilaabatay fariimihii ka imaan jiray argagixisada ee Ganacsatada loogu hanjabi jiray.

Jibril Qoobey.