Hot Topics

Warsaxafadeed ay saareen xildhibaanada golaha deegaanka degmada Qardho ee Ururada Mideeye iyo Sincad.

Warsaxafadeed ay saareen xildhibaanada golaha deegaanka degmada Qardho ee ururada mideeye iyo sincad.

Doorashadii hordhaca ahayd ee ka dhacday saddexda degmo Qardho, Eyl iyo Ufayn 25 bishii October, natiijadeedana lagu dhawaaqay 26 bishii October, iyada oo xeerka law number 7 uu dhigayo 30 beri gudahood kalfadhiga ugu horeeya uu ku qabsoomo. Welina Xildhibaanadii la soo doortay fursad looma siin mudo 3bilood ah in u adeegaan bulshadii soo doortay.

18/01/2022 wasaaradda arrimaha gudaha iyo dimuqradiyadda Puntland waxay mudaysay qabashada kal fadhiga 1aad goolayaasha deegaanka 3da degmo kaas oo lagu dooran lahaa gudoonka 3da degmo 27/01/2022 oo ku beegan maanta oo khamiista ah . Nasiib darro waxay wasaaradda arrimaha gudaha soo saartay warqad kale xalay oo ay taariikhdu ahayd 26/01/2022 warqadaas oo ay wasaaraddu ku sheegtay dib udhigis farsamo taas oo aan wax waqti ah lagu muujin.

Sidaas daraadeed waxaan shacabka ucadaynaa qodobada hoose ku qoran.

  1. Waxaannu shacabka u caddaynaynaa xildhibaanada ururada isbahaysigu inay maanta diyaar u ahaayeen ka qayb galka doorashada gudoonka.

2- waxaan shacabka Puntland ucadaynaynaa in wasaaradda arrimaha gudaha iyo dimoqraadiyaynta dowladda Puntlnad ay ku fashilanta doorkeedii ahaa fariisinta golayaasha deegaanka shacabka ku soo doortay ee 3degmo.

3- waxaan shacabka Puntland ucodaynaynaa in xukuumadda maanta jirta ee uu hogaamiyo madaxweyne siciid c/laahi deni ay si bareer ah u hortaagan tahay in ay fariistaan golayaasha deegaanka ee shacabku soo doortay, sababtuna ay tahay in danta ururkooda ka dhex arki waayeen.

4- Waxaan cadaynaynaa in aannu muddo hortaagneen shacabkii codkooda nasiiyay kana horjoogney in ay ka falceliyaan dib udhaca doorashada ku timid.

5- Ugu dambayn waxaan xukuumadda ugu baaqaynaa in degdeg loo qabto doorashada guddoonka 3da degmo. Haddii xukuumadda ka dhega adaygto ururada isbahaysigu waxay ka fiirsan doonaan tallaabada kale ee ku habboon.

MIDEEYEGUUL

UrurkaMideeye

Mideeye_baa_ina_wada_mideeya.

CodkaaguWaaXaqaaga

Xafiiska warfaafinta Urur siyaasadeedka Mideeye.