Hot Topics

Maraykanka oo qarka usaaran in ay ka fakato Sir Ciidan oo kale

Baratan adag ayaa ka dhex biloowday Ciidamada Badda ee Maraykanka iyo Ruushka, iyada oo midba kan kale uu rabo in uu kaga hormaro burburka diyaarad casri ah oo uu Maraykanka leeyahay, taas oo ku dhacday badweynta caalamiga ah.

Diyaaradan oo qiimo ahaan ku fadhida $100 milyan oo doolar ayuu nooceedu yahay F35-C, waxayna ku dhacday meel ka shisheysa koonfurfa badda Shiinaha.

Diyaaradan ayaa ah noocii ugu dambeeyay ee gaadiidka cirka ee dagaalka ee uu Maraykanka soo saaray, taas oo lagu rakibay qalabkii ugu casrisanaa ee uu Maraykanka soo saaray. Illaa 7 qof ayaa ku dhawaacantay burburka.

Diyaaradda ayaa hadda loo malaynayaa in ay taallo gunta badda, iyada oo dal kasta uu doonayo in uu gacanta ku dhigo si uu u helo sirta iyo qalabka casriga ah ee ku rakiban, taas oo noqon karta sir aad u weyn oo ciidan oo Maraykanka ka fakatay.

Kooxaha gurmadka ee Maraykanka ayaa la sheegay in ay dib dhacsanyihiin muddo 10 maalmood ah, halka Shiinaha uu uga hormari karo goobta ay diyaaradda ku dhacday.

Nin la taliye ka ah dhanka difaaca oo lagu magacaabo Abi Austen ayaa sheegay in batariga sanduuqa madoow ee diyaaradda uu ku shaqeeyo in uu dabka ka dhici karo ka hor inta aanan la gaarin, taas oo sii adkayn karta in la helo diyaaraddan.

“Aad iyo aad bay Maraykanka muhiim ugu tahay in ay diyaaradan helaan, sababtoo ah diyaaradan F-35 waa sidii kumbuyuutar duulaya oo kale , iyada oo awood u leh in xitaa ay cabbaysato gantaalada ku rakiban” ayuu yiri ninkani.

Shiinaha ma haysto qalabkan casriga ah, mana yaqaano cilmigan, balse haddii uu diyaaradan helo waxaa suurtogal ah in uu minguuriyo, kadibna samaysto, taas oo ah tallaabo aad u weyn oo dhanka ciidanka ah.

Astaamaha Diyaaradda F-35

Waxa ay la shaqaysaa internetka, waxayna awood u leedahay in ay si iskeed ah usoo gudbiso macluumaad.

Waxa ay awood u leedahay in ay ku duusho joog hoose oo aysan ciddina arki karin.

Waxa ay leedahay xaglo adag oo ay ku degto, iyada oo sidoo kale awood u led in ay fuliso weeraro hubanti ah.

Waxaa ku xiran matoorka ugu culus addoonka, kaas oo ku duula saacaddiiba 1,200 mph

Waxa ay xambaari kartaa labo gantaal oo midiba garab ku qaadi karto iyo afar gudaha galaya.

Diyaaradan burburtay ayaa waxa saarnaa sida la sheegay gantaalo, taas oo ah arrin dib u dhigtay dedaalada lagu soo saarayo.

Shiinaha ayaa la sheegay in ay horey gacanta ugu dhigeen burburka diyaaraddii lagu weeraray Cusaama Bin Laden sanadkii 2011-kii, taas oo welwel ku abuurtay Maraykanka.