Hot Topics

Boris Johnson oo raali-gelin ka bixiyey fadeexadda ‘Partygate’

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa raali-gelin buuxda ka bixiyey xafladihii lagu qabtey xafiiskiisa kaddib markii warbixin laga soo saaray baaritaan ay wadey gabadh sarkaalad ah oo dowlada u shaqaysa.

Ra’iisul Wasaare Johnson ayaa balan-qaadey in uu xalin doono khaladaadkii dhacay.

Johson ayaa waxaa kusii kordhaya cadaadis loogu baaqayo inuu is-casilo sababo la xiriira xafladdan oo loogu magac-daray “Partygate”, taasi oo dhacday inay ay socdeen xayiraadihii COVID-19.