Hot Topics

Halkee marayaa wada hadalada Dowlada Itoobiya iyo Tigreega

Qaramada Midoobay ayaa rajo wanaagsan ka muujisay iney mira dhalaan wadahadallada u socda madaxda dowladda iyo fallaagada TPLF oo muddo ka badan sanad ku dagaallamayey waqooyiga dalkaasi.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay iney wadahadallada labada dhinac u socda ay meel wanaagsan marayaan.

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Aamina Maxamed waxay booqasho ku soo martay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay oo ay dagaalladu saameynta badan u geysteen.

Amina oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Addis Ababa waxay sheetay marka loo eego dagaalkii waqooyiga Itoobiya ka socda mudda ka badan sanad ay xaaladdu hadda deggan tahay marka laga reebo isku dhacyo yaryar oo meelaha qarkood ka dhaca.

Haadda xaalku meel fiican ayu marayaa, wadahadallada socdaana si wanaagsan ayey u socdaan weyna sii socon doonaan,” ayey tiri.

Aamina inta ay booqashada ku mareysay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay madaxda deegaannadaasi waxay ugu baaqday iney colaadda joojiyaan oo miiska wadahadalka ay u soo noqdaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterez wuxuu maalmo ka hor sheegay dhinacyadii ka qayb qaatay dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka socday ku dhawaad 15 bilood rabitaanka nabadda ee ay dhawaan muujiyeen inuu soo dhaweynayo.

Guterez wuxuu intaa ku daray tallaabbada ugu horreysa ee dagaalka lagu joojin karo iney tahay xabbad joojin buuxda oo ay dhinacyada dagaallamaya gaaraan.

Amina oo kulammo gaar ah la yeelatay haweenka iyo ardayda waxay sheegtay iney dagaalka Itoobiya inta uu socday ay dhaceen xadgudubyo dhinaca jinsiga ah taasina ay Qaramada Midoobay marnaba u dulqaadaneyn.

Haweenka xadgudub galmo loo geystay oo ay la kulantayna waxay u sheegtay Qaramada Midoobay iney xal u raadineyso dhibaatooyinka haweenka soo gaaray ee isugu jiro mid jireed iyo mid maskaxeed in xal buuxa ay u raadineyso.

Dagaalka Itoobiya oo deegaanka Tigraay ka soo billowday Bishii November 2020, wuxuu markii dambe ku sii fiday deegaannada Amxaarada iyo Cafatrta oo dagaalka xooggiisa uu inta badan ka socday.

Waxaana dagaalkaasi ku barakacay malaayiin qof halka kumannaan qofna ay naftooda ku waayeen.

Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegtay Ra’isal wasaare Abiy Axmed inuuu sheegay dowladdiisu iney diyaar u tahay iney wadahadal la yeelato fallaagada TPLF.

Hoggaamiyaha Fallaagada TPLF Debresion Gabre-Mikael oo BBC u warramay wuxuu isna sheegay dowladda Itoobiya iyo TPLF inuu u billawday wadahadal aan toos ahayn, wadahadalkaasina ay ka muuqdaan rajo wanaagsan oo xal u noqon kara colaadda muddo sanad ka badan ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horraanti bishii January ee sanadkan xabsiga ka sii deysay siyaasiyiin ka tirsan fallaagada TPLF oo ay dowladda ku soo qabatay dagaalki ka socday gobolka Tigraay.

Xubnaha TPLF ee xasiga laga si daayey

Sibhat Negga waa aasaasihi xisbigi la oran jiray TPLF oo haatan u diga rogtay fallaagada uguna tunka weynaa xisbiga muddada dheer talada dalka Itoobiya soo hayey ee EPRDF.

Wuxuuna ahaa xubin muhiim ah oo udub dhexaad u ahaa siyaasadda dalka Itoobiya ay ku soo hoggaaminayeen TPLF.

Sanadki hore marki uu waqooyiga Itoobiya uu ka qarxay dagaalka u dhaxeeyay dowladda dhex ee Itoobiya iyo fallagada TPLF wuxuu ka mid noqday shaqsiyaadka ay dowladda Itoobiya waaranka soo qabashada u jartay ee loo haystay dagalkaasi iney soo maleegeen.

Seygeeda Tseggay Berhe oo isna door weyn ku lahaa siyaasadda TPLF wuxuu sida oo kale uu soo qabtay xilka madaxweynaha deeganka Tigaay.

Mulu Gabre-Igzabiher

Mulu Gebre-Igzabiher oo xubin ka ahayd TPLF waxay dowladda dhexee dalka Itoobiya ay ka soo qabatay xilka wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadiidka, iyada oo ahayd xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ee dalkaasi.

Waxayna ka mid ahayd xubinihi TPLF ee lagu soo qabtay dagaalka gobolka Tigraay ka socda oo kiiskooda muddo sanad ah ay eegeysay maxkamadda sare ee dalkaasi, ugu dambeyntina waxay ka mid noqotay siyaasiyiinta xalay cafiska lagu sii daayey.

iyo qaar kale

Dowladda dhexe ee dalka Itoobiyana waxay sheegtay sarakiil ciidan iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka tirsan TPLF iney laamaha ammaanka gacanta ku soo dhigeen balse siyaasiyiinta cafiska loo fidiyey ay yihiin oo keli ah 6 xubnood.

Lixda xubnood ee cafiska loo fidiyey ee ay wasaaradda caddaaladu shaacisay ay kala yihiin: Sibhat Negga, Qiddusan Negga, Mulu Gabre-Igzabiher, Abay Waldu, Abadi Zamu iyo Kiros Hagos.