Hot Topics

Jubaland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xaalada Abaaraha

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Cabdiraxman Cabdi Axmed,ayaa kulan la qaatay kusimaha Safirka Safaaradda Ingiriiska ahna madaxa arrimaha gargaarka ee Safaaradda.

Wasiirka,ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK balan qaadkii $10M in ay uga qayb qaateen abaaraha Somaliya, kadib markii ay Safiirka Ingiriiska ay la kulantay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Wasiirka,ayaa kala hadlay taageeridda qorshaha shanta sano ee Wasaaradda iyo xal u helidda barakaca badan ee ka jira Jubbaland.