Hot Topics

Faallo:-Ma ka kicin doontaa Hurdada reer Mudug Ixtiraamdarada Deni Ee Islaan Bashiir?

Beelaha Daarood ee dega Deegaamada Puntland Qabiilo ahaan waxay cadaalada iyo xaq aqoonida uraadsan jireen markii hay’ada Dowliga ah laga soo tago Reer Faarax Shirwac /Cumar Maxamuud iyo Bah-dirooble/Cismaan Maxamuud.

Waa labada Jifo oo Qof laga gardaran yahay dhihi karay waa lagu gafay ee halaga joogo.

Reer Mudug doorkaas,waa lumiyeen 3-sano ee Deni hogaaminayay Puntland.

Hortoodaa loogu gafay M.xigeenkii Karaash oo ay uraaciyeen erayga ah “Muxuu ismooday”.

Gudoomiyihii Baarlamaanka,ayaa lagu xijiyay oo la kufsaday si ilhaamaysan Qosol bay ku kabeen.

8-Xildhibaan oo Baarlamaanka ka tirsan,ayaa lagu tuntay Sacabay ku xoojiyeen.

Bosaso iyo Bah-dirooble,ayaa Duhurkii gardaro lagu gubay oo madaafiic lagu garaacay reer Mudug Siyaasigoodii iyo Dhaqankoodii waa ka aamuseen Shacabkoodiina waa usacabtumeen.

Saakay Deni iyagii,ayuu ula yimid xadgudubkii oo kusoo afmeeray.

Talaabada Deni dhan markii la eego waxay Cumar Maxamuud utahay Hurdo ka kicin ay ubaahnaayeen.

Mudug dib ha iskugu laabato oo hasoo ceshato doorkeedii isku miisaanka cadaalada Beelaha Puntland ee lagu xeerin jiray.

Jibril Qoobey.