Hot Topics

Maxaa kalifay in Madaxweyne Deni iskugu yeero Saraakiisha Ciidamada Puntland?

Xalay,ayuu si gaar ah uqaabilay Saraakiisha Ciidamada Madaxweyne Deni.

Mid walba,waxuu ka dhagaystay cabashadiisa iyo baahiyaha Ciidanka uu hogaamiyo.

Ujeedka laga lahaa la kulanka Saraakiisha Ciidamada,ayaa ahaa in laga daba tago khaladaad fara badan oo Xasan Shire sameeyay mudadii uu waday Barnaamijkii dib uhabaynta Ciidamada.

Sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan Xasan,waxuu ka dhex abuurtay Ciidamada Wiilal yar-yar oo isaga daacad u ah una badan beeshiisa hoose,kuwaas oo uu udhiibay hogaamada.

Dagaalkii Bosaso,ayaa wax badan fashiliyay oo lagu ogaaday.

Deni,waxuu hada isku dayayaa in uu ka daba tago arimahaas,iyadoo ay ii xaqiijiyeen Saraakiisha Madaxtooyadu in caro badan oo ku aadan arinkaas ay ka muuqato.

Mar walba oo uu ka fogaado Shayaadiinta Madaxweyne Deni,waxaa usoo dhaawada Bulshada iyo Khayrka.

Jibril Qoobey.