Hot Topics

Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Deni Ee Imaaraadka?

Safarkiisa Imaaraadka,waxuu daaran yahay hal ujeedo oo ah Lacag raadis ah.

Imaaraadku horay Shilin uma siin hadana uguma jiro 3-da Qof ee ay ku bari taarayaan Doorashada,sida ilo muhiim ah xaqiijinayaan.

Deni,waxuu ku dadaalayaa markan Laba arimood midkood,kuwaasoo kala ah..

1.In uu waxuun soo helo.

2.In uu been guur sameeyo.

Inta badan Xildhibaanadii lagu doortay Puntland,waxuu ku amray in ay sugaan.

Ujeedkiisu,waa haduu wax soo waayo iyo haduu soo helaba in uu iyaga ku yiraahdo dhaqaalihii gacantaan noogu hayaa si aysan uga tagin,sida xog ogaalku xaqiijinayaan.

Ilaa iyo hada dhaqaalaha uu wax ku wadey,waxuu ahaa mid ka yimid Miisaaniyada Dowlada Puntland iyo Mashaariicda lagu taageero Puntland.

Puntland-ta qiimaha badan Deni,waxuu u isticmaalay dhaqaalaheedii iyo maqaamkeedii danaha Qoyska reer Deni iyo isaga midka ugaarka ah.

Jibril Qoobey