Hot Topics

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY MAAREEYAHA DEKADDA GARACAD

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 19ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Mareeyaha Dekadda Garacad.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magacaabay Maareeyaha Dekadda Garacad.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.