Hot Topics

Orodyahan da’yar oo kusoo baxay Mo Farah

Ellis Cross, oo 25 jir ah, kana shaqeeya dukaan lagu iibiyo alaabaha ciyaartoyda oo ku yaala Teddington ee magaalada London, ayaa ka yaabiyay Mo Faarax iyo dadkii isugu soo baxay Vitality London oo lagu qabanayay tartanka orodka 10,000mitir.

Cross ayaa orodkiisa 10-ka Mitir ku soo gabagabeeyay 28 daqiiqo iyo 40 ilbiriqsi halkaas uu kaga guulaystay orodyahanka caanka ah Mo Farah with.

Mo Farah oo afar jeer ku guulaystey bilada dahabka ee Olombikada, lix marna ku guulaystey tartanka aduunka, ayaa qirtay in waayihiisa orodka uu soo gabagaboobay uuna la yaabay sida orodka uu soo bandhigay Cross.

Faarax ayaa yiri: “Marka aan safka galo waa inaan noqdaa cayaaryahanka ugu wanaagsan ee aan noqon karo, waana inaan rumaystaa inaan guuleysan karo. “Maanta, meesha aan joogo, waxay u egtahay inay jirto shaqo badan oo u baahan in la qabto.

Farah ayaa sidoo kale sheegay inuusan tababar samaynin muddo shan bilood ah

Dhanka kale, Cross Wuxuu yiri: “Ma jiro qof garanayo qofka aan ahay. Waxaan ahay kaliya orodyahan ” “Markii aan ordayay qof walba waxa uu ku dhawaaqayay magaca Mo Farah sababtoo ah way garanayaan qofka uu yahay, magacayga ma jirto cid garanaysa. Waa wax aan la rumaysan karin.”