Hot Topics

Tima-cade ma noqon doonaa Nin wax Xeeriya?

Timacade si cad oo aan qarsasho lahayn,ayuu meel walba ula taagan yahay weerarka Deni.

Waxa uu ka caraysan yahay Tima-cade,waa maxaad uga hor timid musharaxnimadaydii ku xigeenka 2-aad ee Aqalka-sare.

Haday Puntland utartamayso Cadka sare Jubaland-na ku garabsiisay saw Deni kuma saxsana soo jeedinta oranaysa Jubaland haloo daayo Kuraastaas hoose.

Ogow Tima-cade Dowladii Gaas kadib,isagoo shaqo la’aan ah,waxaa Wasiir umagacaabay Deni,kadibna ku qoray Seneter kadibna booskii Wasiirka ee uu baneeyay ku tixgeliyay Nin uu watey.

Intaas oo karaamo ah,waxaa la heli karay Nin kale ama Dad kale oo buuxin karay.

Deni Siyaasiyiin fara badan oo ugu horeeyo Axmed Karaash ayay ku kala fogaadeen koolkoolinta Tima-cade.

Sida aan xogta ku helay Kursiga ku xigeenka 2-aad,waxaa Tima-cade ku garabsiiyay Shirkada Shidaalka ee Haas.

Ujeedka Haas,waxuu ahaa in ay Wasiirka Fadaraalka ee Bidhaan ku fadhiyay sanadihii lasoo dhaafay ay dhaafiyaan Beesha Maxamuud Garaad oo Tima-cade kasoo jeedo.

Haas,ayaa Wasiirka uwadata Nin la dhashay Cabdirisaaq Kharshoof oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkada,kana soo jeeda Beesha Faarax Garaad,gaar ahaan Axmed Garaad Cali-Gerri.

Haas Musharixiin Madaxweyne oo Deni ku jiro ayay dhaqaale ku taageereen,iyagoo danahooda ganacsi ka duulaya rabana in ay Dowlada soo socota ka helaan Wasiirka Beesha Dhulbahante.

Tima-cade gobanimadiisu waxay ahaan lahayd in uu Deni utago markuu guulaystay oo ku yiraahdo Kursigii keenaye siduu xaal noqdaba ee maxaan kula qabtaa.

Hab dhaqankiisan danbe,isaga,ayuu ku yahay khatar mustaqbalkiisa siyaadadeed ee danbe,waxaana loo arkayaa Qooryo Xeralaawe aan waxba xeerin.

Sidoo kale Tima-cade Beeshiisa Maxamuud Garaad Kursiga Wasiirka,ayaa uga macno iyo miisaan badnaa ku xigeenka 2-aad ee Aqalka-sare oo aan waxba goyn.

Deni,waxaa loosoo qaadan karaa maah-maahdii ahayd (Jin wax Hooyadii jiida waayahay Habar-jinna wax la jiido waa tahay) Dad badan oo abaal ugalay ama uqalmay ama ay ukeeneen Dad miisaan leh oo Maanta ka qaban lahaa,ayuu cidlo uga soo tagay.

Jibril Qoobey.