Hot Topics

Kal-fadhigii Labada Aqal Ee Baarlamaanka Fadaraalka oo furmay

Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,ayaa leh kal-fadhiyo ajandihiisu yahay doorashada iyo ansixinta guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in la dhawaan la qabto.

Farriimo loo kala diray xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarda Aqalka Sare,ayaa lagu wargeliyay in maanta oo Arbaco ah la dooran doono guddiyo isku dhaf ah oo ka kooban labada Aqal.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe,ayaa horay usheegay in uu si deg deg ah ku qaban doono doorashada Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya.

Dhinaca kale, weli ma cadda waxa guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe uu ka yeeli doono muranka ka taagan xildhibaannada Gobolka Gedo.

“Arrintaas waa iga horeysay, waxaa jiray guddoomiyhii KMG waxyaalo uu meel soo gaarsiiyay kumana degdegi doonno arinkaas”Ayuu yiri Shiikh Aaadan Madoobe.