Hot Topics

Doorashada Madaxweyne Ee Somaliya oo la mudeeyay

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waqtiyeeyey in doorashada madaxweynaha dalka la qabto 15-ka bishan May.

Haddii guddiga uu dhaqan-geliyo jadwalkan, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.

Doorashadan ayaa waxaa u taagan in ka badan 20 musharax, oo ay ku jiraan madaxweyneyaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore oo doonaya inay xilka kala wareegaan Farmaajo.