Hot Topics

Maxaa ka jira in gacantaTaalibaan ay gashay Saanad Milateri oo gaaraysa 7-Bilyan?

Warbixintan,ayaa lagu xaqiijiyey wararka sheegaya in dhicitaankii dawladdii Afghanistan ee wadamada reer galbeedku taageerayeen ay sahashay in maamulka Taliban ee haatan ka taliya dalka Afghanistan gacanta ku dhigeen qalab militari oo ka badan 7-billion oo dollar oo ah qalabka wasaaradda difaaca ee Maraykanka.

Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka,ayaa ku qiyaastay in saanad militari oo u dhiganta illaa $7.12 billion oo dollar inay kaga tageen dalka Afghanistaan sababo la xiriira qalabkaas oi dayactir u baahnaa, xilligii ay ciidamada Maraykankanku ka baxayeen dalka Afghanistan oo ku beegnayd bishii August ee sannadkii 2021.

Warbixintan saddex biloodlaha ah ee uu diyaariyey kormeeraha gaarka ah ee dib-u-dhiska dalka Afghanistan,ayaa sidoo kale lagu caddeeyey in adduun lacageed oo gaaraya $18.6 bilyan lagu iibiyey saanad militari tan iyo sannadkii 2005, iyada oo la adeegsanayo sanduuqa ciidamada ammaanka ee Maraykanka iyo Afghanistan.

Warbixinta,ayaa meesha ka saartay warar warbaahinta qaarjeed faafisay oo sheegaysa in $80 bilyan ay ku baxday Saanad Milateri.

Sidoo kale warbixinta,ayaa intaas sii raacisay, in hubkaas badankiisa lagu burburiyey intii ay hawlgalladu ka socdeen dalka Afghanistan.

Saanadda militari waxaa ka mid ah diyaarado, baabuur, rasaas, qoryaha iyo qalabka isgaarsiinta, iyo sidoo kale qalab kale, sida uu sheegay afhayeenka Pentagon-ka Major Rob Lodewick