Hot Topics

Alshabaab oo markale Weerar ku qaaday Ceel-baraf

Al-Shabaab,ayaa Madaafiic ah ku garaacay deegaanka Miirtaqwo oo u dhow Ceelbaraf, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS,ayaa dhankooda Madaafiic kale uga jawaabay weerarkaas.

Weli lama hayo khasaaraha ka dhashay Madaafiicda ay iswaydaarsadeen labada dhinac.

Weerarkan Madaafiicda ah,waxaa ka horeeyay Weerarkii 3-dii Bisha Al-Shabaab ay ku qaaadeen Saldhiga Ciidamada Atmis ee Ceel-baraf,kaasoo ay ka dhalatay Geerida 30-Askari oo udhashay Dalka Burundi.