Hot Topics

Imaaraadka oo loo sii daayay Lacagtii sharcidarada looga haystay

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sii deysay lacag gaareysay 9.6 milyan oo dollar oo ay dowladdu horey ugala wareegtay Imaaraadka Carabta bishii April sanadkii 2018-kii.

Lacagtaasi oo saarneyd dayuurad ay laheyd Imaaraadka ayaa hey’adaha sirdoonka Soomaaliya ay qabteen, waxaana ayna sabab u noqotay inuu xumaado xiriirkii dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa lacagtaasi xilligii ay qabaneysay u sababeysay inay sharci darro kusoo gashay dalka, laakiin Imaaraadka ayaa ku sheegay inay aheyd mid loogu talagalay mushaaraadka ciidan ay dowladda u tababartay iyo gargaar kale.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay in lacagtaasi oo taalay bankiga dhexe ee dowladda la sii deyn doono, balse waxaa lagu hakiyay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya.

Lacagtan ayaa la sheegay in maanta uu u qaaday Imaaraadka Ra’isul Wasaare Rooble iyo wafti uu hogaaminayo oo howlo shaqo ugu baxay Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa howlgal uu ka billaabay Soomaaliya 2014-kii ku tababaray kumanaan ciidamada dowladda, waxa uu Muqdisho ka dhisay xarun lagu tababaro ciidamada iyo isbital ay gacanta ku hayeen.

Sidoo kale waxay taageero siin jireen ciidamada Puntland ee la dagaalanka burcad badeedda, balse waxaa howlihii ay Soomaaliya ka hayeen ay badankooda hakiyeen markii lacagtaasi lagala wareegay ee khilaafka dowladda kala dhaxeeya uu gaaray meel xun.