Hot Topics

Muxuu caqabad ugu noqday Abwaan Jibriil magacaabista Ina Taaraan?

Taaraan waa magacaaban yahay in la shaaciyo Wareegtadiisana mar Sadexaad,waxaa hor taagan Kooramkii Xildhibaanada ee ansixin lahaa oo aan buuxsamin.

Waxaa diidan oo ilaa iyo hada aqbali waayay Gudoomiye Abwaan Jibril iyo koox Xildhibaana ah.

Ujeedka Abwaan Jibril ugu dhegan yahay Taaraan waa in loo xaqiijiyo Kursigiisa in aan laga taabanayn doorashada soo socota.

Abwaan,waxuu tuhun weyn ka qabaa in Deni oo adeegsanaya Awooda Maxkamada sare iyo Taaraan uu hor istaagi doono doorashada danbe in uu Kursiga Xildhibaan uu kusoo laabto.

Ilaa iyo hada Xildhibaano door ah,ayaa Madaxtooyadu ku qancisay dhaqaale iyo Jagooyin Dad ay wateen loo siiyay oo diyaar u ah ansixinta Taaraan oo noqda Gudoomiyaha Maxkamada sare.

Waxaa laga reebay Nuur oo ku xigeen kula qornaa markii Xildhibaanadu ku dhageen.

Jibril Qoobey.