Hot Topics

Maxaa iska badali doona Siyaasada Kenya Ee Somaliya doorashada Ruto kadib?

Siyaasada Kenya ee ku aadan Somaliya in aysan waxba iska badalayn ayay ubadan tahay.

Ruto waa ku khasban yahay in uu aqbalo heshiiskii Madaxweyne Xasan shiikh la galay kenya,sababtoo ah heshiiskaas waxaa faai’do badan ku qabta Kenya.

Heshiiskaas,waxaa ugu muhiimsanaa Qodobka Qaadka laga gaaray sida muuqata codadka ugu badan Wiliam Ruto waxa uu ka helay Gobolka Meru.

Ciidamada Kenya ee jooga Jubaland Aadan Bare Ducaale iyo Ruto labadaba xiriir baa kala dhaxeeya.

Sadex Qodob oo ay ku salaysan tahay Siyaasada Kenya ee ku wajahan Somaliya waa danta Qaran Kenya…

1.Ciidamada jooga Jubaland.
2.Qaadka
3.Shaqaalaha

Siyaasada dibada marna Uhuru yo Ruto iskuma khilaafin gaar ahaan tan Somaliya ku wajahan khilaafka labada Oday ma ahayn mid dhaaf siisan doorashada sanadkan isaga har iyo waan tartamayaa.

Farmaajo iyo kooxdiisu waa isdaad raacinayaan mana jirto meel uga banaan doorashada Ruto.

Farmaajo iyo kooxdiisu waxay danaynayaan in ay Saldhig ka dhigtaan Kenya oo ah Xarun diblomaasiyada iyo hay’adaha caalamiga ah saldhig ku leeyihiin.

Asmara iyo Adiss oo aysan ka heli karin fur fur naan siyaasadeed iyo galaan galka Nairobi ay ka heli karaan darteed ayay isku daad raacinayaan.

Ugu danbayn Ruto waa isku wadan doonaa Dowlada Somaliya iyo mucaaradka,isagoo ka faa’idaysan doona khibradiisii 10-kii sano ee Madaxweyne xigeenka.

Jibril Qoobey.