Hot Topics

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Jubaland oo ka hor yimid mudo kororsiga Axmed Madoobe

Siyaasiyiin iyo haldoor fara badan oo reer Jubaland ah,ayaa si weyn uga hor yimid mudo kororsiga baalmarsan Dastuurka.

fartaag oo ka mid ahaa Siyaasiyiintaas,ayaa si cad usheegay in aan la aqbali karin Axmed dhaqankiisa.

“Axmed mudo kordhintii uu diidanaa yuusan isagu fulin oo samayn” Ayuu yiri Fartaag.

“Axmed Madoobe waxii hada ka danbeeya Jubaland loogama baahna,waxaana la gaaray isbadalka wakhtigiisii,waxaa qaba aragtidaas Dad badan.

“Haduu ku qaban waayo Doorashada mudada Dastuuriga ah waa in Goob kale lagu qabtaa loona aqoonsadaa Kismaayo Magaalo Jamhad haysato”Sidaana Siyaasiyiinta,ayaa ku doodaya.

“15-sano oo la Boqrayay Axmed laguna fiirsanayay khaladaad badan uu ka galay Bulshada Jubaland waa ku filan tahay”Nabadoonada dhaqanka,ayaa la soo taagan.

Halkan ka daawo muuqaalka