Hot Topics

Maxaa ka jira in TPLF ay dhigayso Hubkeeda culus Bisha December?

Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya,ayaa shaaca ka qaaday in jabhadda (TPLF) ay maalinta Sabtida ah ay soo dhiibi doonto hubkeeda culculus, kadib wada hadalo dhex maray madaxda sare ee ciidamada Itoobiya iyo taliska TPLF.

Danjire.Bacha Debele, ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal lasoo dhigay barta Youtube-ka.

“Marka laga hadlayo dhiibista hubka culus, waxay ahayd inay TPLF soo dhiibaan 17-kii Nofembar, laakiin taasi ma aysan dhaqan gelin, laakiin hadda waxaa la go’aamiyay inay soo dhiibaan 3-da December,” ayuu yiri.

Bacha,ayaa sheegay in taliyeyaasha goobuhu ay “kulmaan maalin walba” si ay uga wada hadlaan habka hub ka dhigista, iyo dagaal yahanada kooxda TPLF la isugu keeno goobo cayiman.

“Macluumaad aan maanta helay, ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ay bilaabeen inay dagaalyahannada TPLF ku ururaan goobo cayiman. Waxay fulinayaan [hannaanka hub ka dhigista]”Ayuu raaciyay.

Safiirka,ayaa sidoo kale sheegay inay tahay wax xun oo waji gabax ah in si fagaaro ah loogga hadlo khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF, ayaa horaantii bishii hore heshiis nabadeed ku kala saxeexday dalka Koonfur Afrika, si ay si nabad ah ugu soo afjaraan dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay, ee mudada Labada sano ah socday.