Hot Topics

Halkee marayaa heshiiskii Tigreega iyo Dowlada Abiy?

Reer Galbeedku marna ma ogola in ay Boqortooyada Gumaysiga iyo dulmiga ku dhisan ee Itoobiya ay liicdo.

Si walba oo ay ugilgilaan hogaamiyaha markaas Kursiga fadhiya haduu ku dhago adkaado hadana waa ilaaliyaan jiritaankeeda.

Haatan Dowlada iyo Mucaaradka Tigreega waxay ku khasbeen in ay qaataan heshiiskii Koonfur Afrika.

Sidoo kale,waxaa Abiy si gaar ah culays loogu saaray fulinta heshiiskaas si buuxda,waxaana cadaadisyada lagu haya ugu horeeya in laga joojiyay dayn Lacageed oo la siin lahaa ilaa uu fulo heshiiskaas.

Abiy dhankiisa wax weyn ayay u ahayd tagidiisii Maraykanka ee uu uga qaybgalay Shirkii Afrika iyo Maraykanka,waxuuna kasoo baxay go’doonkii caalamka,gaar ahaan reer Galbeedka oo uusan xamili karayn.

Fulinta heshiiska Tigreega ee macnaha weyn uleh Abiy,waxaa caqabad ku ah Laba dhinac oo kala ah…

1.Dowlada Eretereya oo ay wax gaar ah isku ogaayeen,hadana uusan awood ulahayn in uu ka saaro Xuduuda Itoobiya.

2.Ismaamulka Amxaarada oo uu la yahay isbahaysi,isla markaana aan ku faraxsanayn heshiiska si ay ufashiliyaana colaad ka xoog badan midii Tigreega kala dhaxaysay ka hurinaya dhanka Oromada.

Abiy waa usheegeen reer Galbeedku haduu rabo wada shaqayn in uu hirgeliyo heshiiska si buuxda.

Todobaadkan Nayrobi,waxaa ku kulmay wafuud ka kala socota Labada dhinac,waxaana laysla qaatay in kormeer lagu xaqiijinayo heshiiskaas la bilaabo.

Adis iyo Maqale,waxaa tagi doona wefti uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyata.

Jibril Qoobey.