Hot Topics

Video:-Muxuu Xasan Shiikh uga war wareegayaa hirgelinta qorshaha amniga Qaranka?

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraaliga ah,waxuu ku faanay in uu horumar ka sameeyay arimaha qaabdhismeedka Amniga Qaranka,waxuuna dul istaagay in uu heshiis kala gaaray Dowlad Goboleedyada.

Hadalkaasi waa deelqaaf uu ku buuxsanayo soo jeedintiisa Sanadka cusub…

1.Majiro heshiis qaab dhismeed Amni oo ay wada gaareen isaga iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

2.Weli,waxaa socda dhaqankii Dowladii ka horaysay ee ahaa in la qoro Ciidamo aan lahayn Sharciyad iyo Midab Qaran.

3.Masar,waxaa loo qaaday 850-Askari oo ah Qaybtii ugu horay Maleeshiyo gaaraysa 3500 oo la qorsheeyay in Dalkaas lagu soo tababaro.

4.Eretereya,waxaa loo qaaday ilaa 1500 qayb ka ah Maleeshiyaad 5000 sh oo la qorshaystay in lagu soo tababaro Dalkaas.

5.Saadka iyo Dhaqaalaha lagu helo Magaca Somaliyed weli,waxaa looga faa’idaysanayaa dano gaar ah,waxaana lagu maalgelinayaa Maleeshiyo Beeleedyo.

Madaxweyne Xasan waa ka warwareegayaa hirgelinta qorshaha Amniga Qaranka.

Halkan ka daawo muuqaalka