Hot Topics

Garaadada Laascaanood oo ku Gacansayray dalabkii Geelle Ee dhex-dhexaadinta

Afhayeenka Garaadada Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan oo la hadlay BBC,ayaa yiri…

“Uma diyaarsanin wada hadalkaas,waxna kalama socono sideedana Nin qoorta kaaga taagan oo hadana ku leh ila hadal macquul ma’ahan”Ayuu yiri.

“Shirkayagii,ayaa noo socda lamana gaarin heer aan ugudubno wada xaajood,sideedana Geelle iyo IGAD haday run sheegayaan ha saaraan Ciidamada Maamulkaas”.Ayuu yiri markale.

“Anaga weli,waxaa Guryaha noo yaal Dhaawicii SL Dadkayaga ugaysatay,Magaaladana waa laga qaxay Boqolkiiba Sideetan”Ayuu yiri Caaqilku.

Waa hadal dood garowshiyo leh ku fadhiya.

Geelle iskuma helayo in uu Muuse usoo raro 40-Tan oo Hub ah,Gacanta kalana hoosaasin ku bilaabo.

Qorshaha Geelle waa qayb ka mid ah duulaanka SNM ee Dhulka Dhulbahante.

Jibril Qoobey.