Hot Topics

Sidee qayb uga noqon kartaa Puntland dayn qaadashada gaaraysa 30-ka Bilyan?

Dadaalka kooxda fadhida Villa Somaliya,waa in ay helaan dayn gaaraysa 30-Bilyan oo dolar,taasoo Somaliya loo ballan qaaday.

Bisha Sep ee Sanadkan,waxaa qorshaysan in loo aqoonsado Somaliya Dal iskufilan lagana joojiyo Deeq oo dhan nooc walba ay tahay.

Taa badalkeeda,wuxuu Dalku awood uyeelanayaa in uu qaadan karo dayn,waana sababta M.Xasan ugu dhagan yahay nidaamka midaynta Canshuuraha Dalka.

Hadafka Xasan waa in Miisaaniyada Fadaraalka laga dhigo 2-Bilyan Sanadkii,isla markaana DG kasta lasiiyo 10-15 Milyan oo dolar Bishii.

Taa badalkeeda DG walba ku wareejiyo Dowlada Dhexe Dekedihiisa iyo Garoomadiisa dakhliga uga soo xarooda.

Dhamaan DG bartamaha iyo Koonfurta Dalka ku yaal,waxaa ka leh Garoon iyo Deked dakhli kasoo xaroodo JL,iyadana waxa bishii kasoo gala kama badna 1-Milyan oo dolar.

Puntland??

Si nadiif ah ayay bishii uga heshaa Canshuuraha Dekedaheeda iyo Garoomadeeda 8-Milyan oo dolar.

Marka maxay tahay sababta ku kalifaysa in ay ku wareejiso dakhligeeda nidaam isaguba hela bishii in la mid ah intay hesho?

Mida kale oo mudan in la dul istaago waa Dastuur in la helo rasmi ah oo la dhamaystiray,markaas ayay PL iswaafajin doontaa Dastuurkeeda kuna wareejin doontaa awoodo laga wada heshiiyay Dowlada Dhexe.

Balse suuq madow iyo wax la macjileeyay kuma wareejinayso dakhligeeda iyo awoodaheeda.

In miisaaniyada la mideeyo,waxaa ka horaysa in Dastuurka la qabyo tiro.

Daynt qaadashada??

Waxaa haboon in dib loo dhigo dayn qaadashada oo lasii riixo mudada shaacinta isku filnaanshaha Somaliya lagu dhawaaqayo.

Sababtoo ah Qabyo tirka Dastuurka waa umuhiim hadii la rabo hay’ado Dowladeed oo damaanadqaad laysku halayn karo leh.

Hadiise lagu adkaysanayo Bisha Sep ee Sanadkan in daynta la qaato,waa in ay PL heshaa heshiis gaar ah oo lagu wada shaqeeyo oo ay ku cadahay..

1.Qoondada Lacagtaas ay ku leedahay.
2.In qaybteeda toos ugu soo dhacayso iyada.
3.In waxa ay ku isticmaalayso qaybta ay ku leedahay Lacagtaas iyadu jaangoosato.

Hadii kale PL qayb kama noqonayso Lacag Gacanta ugalaysa D+D oo ku filnaan waayay amaanada yar ee Canshuuraha Dekeda iyo Garoonka Xamar.

Marka ay ugu yar tahay Xasan iyo kooxdiisa,waxay ku xisaabtamayaan in ay ku dhex lunsadaan gudaha Miisaaniyada nus-Bilyan dolar Sanadkii.

Jibril Qoobey.