Hot Topics

Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo aqoonsaday Madaxweynanimada Reda

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Getachew Reda oo ah mas’uul sare oo ka tirsan TPLF u magacaabay madaxweynaha cusub ee maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray.

TPLF oo muddo laba sano ah dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay Getachew Reda usoo xushay in uu noqdo madaxweynaha gobolka.

Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalka Tigray, waxaana ka dhashay xaalad banii’aadanimo oo daran, Mareykanka ayaa labada dhinacba ku eedeeyay inay dambiyo dagaal ay ka galeen halkaas.

Tallaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii nabadeed ay labada dhinaca sanadkii hore ku kala saxeexdeen dalka Koonfur Afrika.

Maamulka kumeel gaarka ah ee looga dhaawaqay Tigray wuxuu awoodda sii heyn doonaa tan iyo inta doorashada laga qabanayo, inkasta oo aan la shaacin wakhtiga ay dhaceyso doorashada.