Ganacsiga iyo Nolosha Kismaayo oo meeshii ugu xumayd maraya

Jubaland-ta Maanta jirta nolosheeda iyo dhaqaalaheeda waa Magaalada Kismaayo.

Mudooyinkii ugu danbeeyay,waxaa hoos usii socday dhaqaalaha Magaalada,iyadoo Ganacsi badan xirmay.

Ku dhawaad 4000-Meheradood oo ka furnaa Magaalada,waxaa isxiray kala bar.

Nin Ganacsade ah oo ku lahaa 6-Meheradood Magaalada,waxuu ii sheegay in dhamaan ay iska xireen oo uu kasoo guuray Kismaayo.

Dekeda,ayaa Sanadkii ugu danbeeyay Maamulka,waxaa kasoo galayay wax ka yar 300-kun oo dolar Bishii.

Cakrinaanta Kismaayo haysata,waxaa sabab u ah..

1.Cunaqabataynta Alshabaab kusoo rogtay Dekeda.

2.Lacagta baada ah ee Shabaab ay Dadka si toos ah ugaga qaadaan gudaha iyo dibada Magaalada.

Xalku waa in argagixisada laga sifeeyo JL oo ugu yaraan la furo Wadada isku xirta Kismaayo iyo Afmadow.

Jibril Qoobey.