Hot Topics

Maxay tahay Sababta Somali iyo Shisheeyaba dhabarka loogu jeediyay magacaabista Cabdikariin?

Somali iyo Shisheeyaba uma soo dhaweyn magacaabista Cabdikariin sida Waare loo soo dhaweeyay.

Sababtu waxay tahay dhawr qodob oo mudan in la dul istaago…

1.Xiliga la magacaabay.
2.Shaqada loo diray oo uusan qaadi karin.
3.Dhex-dhexaadnimadiisa oo hoosaysa.
4.Hogaamintiisii hore oo ceebaysan,sida Galmudug iyo Wasaaradihii amniga iyo Arimaha Gudaha.

Haldoor fara badan oo reer Muqdisho ah,ayaa ka hor yimid magacaabista Cabdikariin kuna dhaleeceeyay Xasan,iyagoo ku dhaliilaya in ay khalad tahay xiliga magacaabista iyo Qofka la magacaabay.

Warar hoose oo laga helayo Villa Somaliya,waxay sheegayaan cida ku qalqaalisay Xasan magacaabista Cabdikariin in ay tahay Faarax Cabdiqaadir.

Ujeedka looga gol leeyahay,waa in Muuse loo shaqeeyo oo uu helo Wakiil dadban oo Villa Somaliya iyo Xalane ujooga.

Jibril Qoobey.