Hot Topics

Video:-Mucaaradka Dowlada talada haysa Ee Kenya oo dib ubilaabaya banaanbaxyadii

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo ka ka qeyb-galay kulan ka dhacay caasimadda, ayaa sheegay in waqtiga dib u billaabashada dibad-baxyada lagu dhowaaqi doono kadib Ramadaanka oo la filayo inuu dhammaado Jimcaha soo aadan.

Waxaa la qorsheeyey dibadbax ka dhacaya barxadda taariikhiga ah ee Kamukunji ee caasimadda, halkaasi oo nidaamka xisbiyada badan looga dhowaaqay sagaashamaadkii.

Mucaaradka ayaa horey dibadbaxyada u agaasimay laba jeer toddobaadkii, kuwaasi oo ay ku dhinteen afar qof, islamarkaana horseeday in la xiro ganacsiyada faras magaalaha.

 

Halkan ka daawo muuqaalka